Wednesday, 10 October 2012

BANGI HADAAN LAHAAN LAA ( GEERAAR CUSUB)

Dareenka dadka waa kala duwan yahay, qaar baa sida ugu fiican ooy wax u gudbin karaan ay tahay in ay maansoodaan, qaarka kalena hadalka ayeey ku kalsooni qabaan, in kastoo mihnadeyda shaqo ay tahay hadal oon warbaahinta ku jiray muddo dheer hadana markeey timaado, dareen dhab ah oo laabteyda ka soo go'ay waxaan ku kalsoonahay in aan ku gudbiyo MAANSO halkaan HADAL uun kaga ekeysan lahaa. Geeraarkaan soo socda waxaa igu dhaliyey markaan arkay sida dadka dunidu qaarkood u dulman yihiin, saboolnimo badankeed dad abuur ahna ay u heysato, waxaan soo xasuustay sida dadkeyga soomaaliyeed ugu gaamureen faqrinomo iyo gaajo iyagoo leh dal dihan oo barwaaqo badan lagala soo bixi karo, waxaan ka ciishooday isdaan u jeclaan lahaa in xaladaha dadkeygu badalmaan. Maansada soo socota waxaan ku sharaxayaa waxa baahida dadkeygu tahay iyo sida haboon ee wax looga qaban kari lahaa haddii dhaqaale loo heysto. Waxaan geeraarkaan u hibeeyey dhamaanba dadka saboolka ah ee dunida, ooy ugu horeeyaan dadkeeyga soomaaliyeed. BANGI HADAAN LAHAAN LAA!!! Waxaa qortay Amina Mussa Wehelie. BANGI HADAAN LAHAAN LAA, WAX UUN BAAN BADALI LAA, BADDA UBUCDA WEYNBAAN, INTAAN CIID KA BUUXIYO, QOLAAL BAAXAD WEYN BAAN, BU’DA UGA DHISI LAA, KUWA HOYGA BEELEE, TIRO BARAAR DARAASIIS, DHULKU UU KA BUUXSAMAY, AYAAN BEYDAD WAASACA, BILAASH AAN KU DAJIN LAA, LACAGAHA BAXNAANADA, ADEEGYADA BULSHADA IYO, BARAXEYNA NOLOSHANA, BIIL BAAN U BIXIN LAA, CARUURAHA BUKAANAYANA, DHAQAATIIRTA BAARTEE, BURJI SAYNIS YAHANNADA, TAQASUSKA U BEYDHAAN, BAR KU LEEXDA DHIHI LAA, INTA BAAHANEE MARAN, EE BERRI KU ROONKA AH, BEERAAN U QODI LAA, BADARK IYO QUDAARTAAN, BARAKEYSTA DHIHI LAA, INTA BIYO KU ROONKA AH, BADAHIYO WABIYADAAN, BEESA WEYN U GELIN LAA, MARAAKIIB AY BUUXSHAAN, SEEY U BEECSHIREYSTAANA, BAALKA WOOWGU XIRI LAA, BARASHADA ISKUULLADA, BARATANKA CIYAARAHA, BOWDYAHA WAX KORIYAAN, KULLI SOO BANDHIGI LAA, CARUURTEENA BAADKIYO, BIYAHABA AN SIIN LAA, WAX HASTOOY U BAAHDAAN, KULLI WAAN KU BILI LAA. Foojignaan: Saxaafadu waa u fasaxan tahay in eey daabacdo geeraarkaan, waase haddii eey xuseyso magaca qoraha oo ah mu'alifka maansadan. Mahadsanidiin.

Wednesday, 1 August 2012

Ololaha Hangasha ( ASAAYDA) ee Amina Muuse Weheliye oo maanta laba sano jirsaday!!!

1. waxaa aan asaayda sartay kuna dhawaaqay ololaha hangasha 1-dii Agoosto 2010-ka. 2. Wax badan ayaa qabsoomay, gudaha iyo dibadaba, ololaha oo ah sidiisaba olole nabadeed oo dadka nabada iyo wadaniyadda lagu baraarujinayo iyadoo loo maraayo warbaahinta tan iyo maalintaas waxaan wax kasta oon sameynayo xitaa shaqadeyda caadiga ah aan ku saleeyey hadafka iyo ujeedooyinka ololaha, waxaan aasaasay barnaamij ololaha hoos yimaada oo la yiraado bandhigga Amina iyo Nala Fiidso labadaba. 3. Haween badan oo badankood u nool Muqdisho ayaa ila saartay asaayda welina ila wada taasoo muujinaysa inuu barnaamijku taaba galay. 4. Xafalado uma sameeyo ololaha iyo sanadguurooyinkiisa waxaana u arkaa in aaney habooneyn in qarash lagu bixiyo xus uun, lakiin waxaan ku xusnaa warbaahinta dhexdeeda, 5. Waxan soo socda furista iskuulo lagu barto wadaniyadda, dhaqanka iyo luuqadda soomaliga oon lagu caawinaayo dhalinyarrada, iskuulka ugu horeeya waxaa dhowaan laga furayaa Muqdisho, iyadoo la kaashanaayo jaamacadaha waaweyn. 6. Qurbaha wax weyn ayaa laga qabtay wadamo koobana waxaan ku leenahay wakiilo, ma ahan olole joogsanaayo goor dhow, dadku waxey ku daaleen in ay i weydiiyaan goormee asaayda dhigeysaa, xitaa waxaa i weydiiyay siyaasiyiin waaweyn oo dalka maamul iyo xilal sare ka haya, waxaase ii muuqata in aan weli la gaarin hadafkii aan markii hore u qaaday, umma qaadin oo qur ah in Muqdisho hagaagto ama gobol gaar ah hagaago, waxaanse u qaaday in dadkeygu kulligood ay nabad helaan kuna barbaarujiyo in nabad la helo la'aanteed aanay nolol jiraynin, ololaha hangasha waa soconayaa mana istaagayo ilaa tuulada ugu dambeysa ee Soomaaliya ay nabad hesho dadkeyguna isku duubni ,midnimo iyo xasillooni helaan. 7. Waxaan asaayda saartay 10 sano markii aan qurbaha ku noolaa oon ka shaqeynaayey warbaahinta maalin kastana aan ku soo toosaayey dhimashada dadkeyga, iyo baab'ooda, waxeeyna ila noqotay in aanan ka sii aamusi Karin dhibta wadankeyga oo magaceyga iyo xirfadeyda u adeegsado sidaan uga shaqeyn lahaa inay dadkeygu helaan nabad waarta iyo dowladnimo. Waxaa ololaha la socda waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin hal abuurka maanso ee kala duwan iyo qoraaladda kala duwan ee bulshada lagu toosinayo. Wadankan Britian waa laga aqoonsaday dolwaduna waa ka war qabtaa, waxaana toos la igala tashadaa arrimaha Soomalida wadankan ku nool gaar ahaan kuwa dhalinyaradda iyo qoysaska. Amina Mussa Wehelie Aminawehelie@yahoo.co.uk asahra2012@gmail.com

Friday, 13 July 2012

Sanadguuradda Labaad ee Ololaha Hangasha oo soo dhow

Waxey ahayd 1dii bishii Agoust ee sanadkii 2010ka markii aan go'aansaday in aan ASAY QARAN ( MARA CAD) qaado, si aan dadkeyga soomaliyeed iyo dunida inteeda kaleba ugu baraarujiyo, in wadankeygu nabadgelyo u baahan yahay, si dhibaatada ah uga baxaan dadkeygu, halkudhigeyguna wuxuu ahaa INTA NABADI DHALANEYSO, AMA AAN KA DHIMANAAYO DHIGI MAAYO ASAAYDA!!! Xilligaas xaladu sida ay hadda tahay waa ka duwaneyd, ifafaalaha hadda soo muuqdana ma jirin, wax badan ayaa is badalay tan iyo waqtigaas, nabadgelyada ayaa soo wagaasanaatay meelo badan oo ka mid ah wadanka, qaasatan caasimadda, MUQDISHO, waxaa iyadana is badalay dunida iyo sida ay u aragto Soomaliya iyo weliba in addunku wacyi qur ah ka qataan kala taagga ku jira dalkeyga iyo dadkeyga. Waxaase jira wax aaneey dadku weli fahasanayn, oo ah in aanan asayda qaran u sidin oo kali ah MUQDISHO, balse aan u sido wadanka oo dhan, tusaale haddii casimadu hagaagto balse qeyb kale oo ka mid ah dalkeyga SOOMALIYA weli ay nabadgelyo xumo ka jirto waxaan u bahanahay in aan weli sii wado FARIINTA NABADDA. Raisuwlasaaraha xilligaan ee dowladda ku-meel gaarka ah ee Soomaliya, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa mar aan kula kulmay Istanbul sanadkan ayaa igula kaftamay in bisha Agoust ee sanadkaan la iga dhigo doono ASAAYDA qaran, balse waxaan ku iri : (Waa haddii ay dhacdo sidaan ku dhigi lahaa) hadaba, hadda waxaa su'aashu tahay ma dhaceysaa sidaasi??? Ma filaayo in howluhu dhowdhow yihiin, balse waxaan ku rajo weynahay in maalin uun wadankeyga oo dhami hagaagi doono, nabadgelyo taam ahna ay heli doonaan dadkeyga dhamaantiis, anigana wax karkarbo ah iguma heyso nafteydu, waxaanse iga go'an in aan hamigeyga ka miro dhaliyo, inteey doonto ha igu qaadatee . maradeyda cadi waa FARIIN NABADEED ( MASSAGE OF PEACE) cidii maqleysa ayaana dhageysaneysa, wax badanna waan u huray oo qof kasta aanuu garan karin. Waxaan labadaas sanno een sido ASAAYDA QARAN aniga nafteyda ugu kordhay wax badan oo horey aanan uga fekeri jirin, waxaana ilaaheyga weyn ka rajeynayaa in uu dadkeyga oo dhan niyadooda is jeceleeysiiyo, kuna midoobaan wanaagga. Waxaan mar kale fariin intaan ka faahfaahsan idiin soo qori doonaa, sanadguuradda labaad marka ay ii buuxsanto, oo ku beegan 1da bisha soo socota ee Agoust, inta ka horeysa waxaan dadkeyga soomaliyeed uga tagayaa nabad qaban iyo barwaaqo in eey ku caweeyaan. INTA NABADI DHALANEYSO, AMA AAN KA DHIMANAAYO, DHIGI MAAYO ASAAYDA. Amina Mussa Wehelie.

Thursday, 6 January 2011

La soco dardarta cusub ee Ololaha Kangasha iyo sanadkan Cusub

Waa sanad cusub, iyo tamar hor leh, waxan u hamuun qabnaa, wadankeenii oo nabadi ka aslaaxdo, waxaan dooneynaa in shuushku naga baxo, waxaan rabnaa in aan barwaaqo ku caanna maalno, iskana tirtirno magac xumada meel walba dunida noo martay.

Ogoow walaal waxeey sharaftaadu ku jirtaa in dalkaagu bulaalo, badkaaguna barakoobaan, ma tihid waxba qowmiyada Soomali la'aanteed, waxaad wax ku tahay, dadkaaga.

Waxaad tahay, waxaad tahay, soomaali baad tahay.

Amina Mussa Wehelie
Ololaha Hangasha
Luton/UK